Tababaraha Real Madrid Jose Mourinho oo daawanayay Ciyaartii adkeyd ee u dhaxeysay kooxaha Manchjester United iyo Liverpool ayaa Ciyaarta kadib wareysi uu siiyay Wargeyska Sun waxaana uu sheegey in War uu heysto ,Aduunyada oo dhan Marka ay ciyaarayaan kooxda uu indhihiisa ku soo arkey ee United iyo Kooxdiisa oo aan dabyar shideyn.
Jose Mourinho Wuxuu yiri Aduunyada oo dhan wax lama qabsan
doona,Aduunyada oo dhana hakad ayey geli doontaa Marka ay Ciyaarayaan
Kooxaha Real Madrid iyo Manchester United bisha February Wareega 16-ka
Champions league.
“Cid walba waxaa ay isu diyaarineysaa Kulanka Adag,dadka waxaa ay u
baahan yihiin daawashadeeda,Xiisana waxaa u yeelaya Ciyaartan waxaa iska
hor Imaanaya Aniga iyo Ferguson oo Saaxib dhow isku ah.
“Ceebta kaliya ee kulankaan uu leeyahay ayaa ah ineysan aheyn
Final”Jose Mourinho ayaa warkaas sheegay markii uu daawaday Manchester
United oo 2-1 ku gaaraceysa Liverpool.
Jose Mourinho ayaa tagay shalay gagada United waxaana uu daawanayay
kooxda Ferguson meelaha ay ka jilcantahay iyo halka ay ka
adagtahay,waxaana uu il gaar ku hayaa Van Persie oo ah geesiga
Shayaadiinul Xumraa.