Monday January 14, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Sida ay qortay Jariirada New Vision ee ka soo baxda dalka Uganda, dowlada Uganda ayaa Qaramada Midoobay ka dalbaday in waqti kordhin loo sameeyo Ciidamada Midowga Africa AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ee kaalmeynaya xukuumada Soomaaliya,iyagoona shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya mudo 20 sano madax kula jiray dagaalo sokeeye.

Katumba Wamala Taliyaha ciidamada Lugta ee Uganda oo ay soo xiganeysay jariirada New Vision ayaa sheegay in loo baahan yahay in waqti kordhin loo sameeyo ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan si ay u suurta gasho inay dhameystiraan howlgalka qabyada ah ee ay ka wadaan gobolada dalka Soomaaliya,isagoona baaqiisa si toos ah ugu wajahnaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Katumba Wamala ayaa cadeeyay in waqtiga loo qabtay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya islamarkaana ay isku raaceen Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa uu ku egyahay bisha March ee 2013 oo labo bilood qura ay ka harsan yihiin.

"Soomaaliya wali waxaa ka muuqda dhibaatooyin,waxayna u baahan tahay caawinaad ka timaada dunida inteeda kale"ayuu yiri Katumba.

Sidoo kale Mr Katumba Wamala taliyaha ciidamada Lugta ee Uganda ayaa hadalkiisa waxuu intaasi raaciyay in howlgalka AMISOM ee Soomaaliya haatan kaliya ay taageeraan Qaramada Midowbay,Ururka Midowga Yurub iyo Midowga Africa,awooda Soomaaliya waa markii ay cagaheeda ku sitaagto,inta ka horeysa waxay u baahan tahay caawinaad iyo kaalmeyn dibada ah,dadaalada caalamka intiisa kale ee Soomaaliya wali waa uu liitaa"Katumba ayaa sidaasi sheegay.

Waxuuna sharaxaad ka bixiyay in sanadihii ugu danbeeyay la qaaday talaabooyin homar leh oo dalka laga dareemayo,balse waxuu ku celiyay in wali ay jirto baahi dhanka taageerada ah.

Bishii November ee aynu soo dhaafnay ayaa golaha amaanka fadhiye ay ku yeesheen xaruntooda New York waxay ku kordhiyeen howlgalka AMISOM afar bil oo kaliya.

Taliyaha ciidamada Lugta Uganda ayaa qeexay in marka laga soo tago burburkii soomaaliya ku habsaday haatan la dareemayo hormar la taaban karo oo soomaaliya ku talaabsaday,isagoona tusaale u soo qaatay in dib loo soo celiyay nabadii,howlihii gargaarka oo dalka dib ugu soo laabtay,garoonka diyaaradaha oo haatan ku soo degaan wax ka badan 40-diyaaradood Maalintiib oo intooda badan ay u badan yihiin dad si joogta ah su oo caga dhiganaya Soomaaliya ama dib ugu soo laabanaya.Sidoo kale degada ayaa qeyb ka ah goobaha ugu muhiimsan oo hormarka laga dareemayo.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA