Thursday January 01, 1970 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ururka Al-shabaab ayaa ku dhawaaqay geerida Sarkaal ka tirsan ciidamada Meliteriga Faransiiska sida ay ku xaqiijiyeen Boggooda Twitterka.

Bayaan Al-shabaab ay soo saareen ayaa waxaa lagu cadeeyay in Sarkaalka uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray dagaalkii Ciidamada gaarka ee faransiiska ay kula galeen Al-shabaab degmada Buula- Mareer ee Gobolka Sh/hoose.

Al-shabaab ayaa sheegay in Macluumaad muhiim ah ka heleen Sarkaalka ka hor inta uusan dhiman iyo qalab Militeri iyo kuwa dhanka Lojistikada ah oo ay ka tageen ciidamada Faransiiska Sida bayaanka lagu sheegay.

Ugu Dambey Bayaanka ayaa waxaa lagu cayimay in Shabaab ay ka go’aan dhaqsa ah ka soo saari doonto Denis Alex oo Mudo Sadax Sano gacanta ugu jira iyaga Saacaadaha soo aadan.










Xigasho Somalimemo
 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA