Saturday February 02, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Dowlada Kenya,ayaa ka hadashay duqeyn Soomaaliya ay ka geysteen,islamarkaana ay ku sheegeen in duqeyntaasi ay ku dileen askar ka tirsan Al-shabaab ee fadhigooda uu yahay koonfurta Soomaaliya.


Afhayeenka ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya Colonel Cyrus Oguna,oo ka hadlay duqeynta diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geysteen Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Koonfureed,ayaa wuxuu shaaciyay in Duqeynta khasaaro ay ku gaarsiiyeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab iyo sidoo kale inay ku burburiyeen Gawaari dagaal oo hub u saarnaa Al-Shabaab.

Sidoo kale Afhayeenka ciidamada Kenya Colonel Cyrus Oguna,ayaa dhanka kale sheegay in Sarkaal lagu magacaabo Sheikh Nuur Dheere oo shabaab ka tirsanaa dagaalka ay ku dileen,isagoona tilmaamay in duqeynta inteeda badan ay ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Garbahaareey.

Wuxuu sheegay Cyrus Oguna in duqeynta ay ku qaadeen deegaanada Gedo ay ku damacsanaayeen inay la bartilmaameedsadaan goobo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab,wuxuuna hoosta ka xariiqay in u jeedkii laga lahaa laga gaaray.

Afhayeenka ciidamada Kenya ayaa hadalkiisa intaasi wuxuu raaciyay in xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab duqeynta ay ku geeriyoodeen kuwo kalena ay ku dhaawacmen.

Hadalkaan ka soo baxay dowlada Kenya ayaa imaanaya xilli diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo ka geysteen qeybo ka tirsan Gedo,balse ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-shabaab oo beeninaya hadalkaan Kenya ka soo yeeray.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA