Saturday February 02, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo beeraha ee FAO ayey ku sheegtay in qiyaastii 215 kun oo caruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano ay heyso xaalad nafaqo-daro, kuwaasoo 45 kun oo ka tirsan ay xaaladoodu liidato.

FAO waxay sheegtay in saddex meelood oo labo ay caruurtaasi ku nool yihiin gobollada koonfureed ee ay dagaalladu ka aafeeyeen, waxaa la sheegay in xaalada nafaqo daro ay ahayd mid si aad horay ugu jirta Soomaaliya,balse haatan hoos u dhaca laga dareemayo.

Xaalada nafaqa-darada ee ka jiray dalka Soomaaliya,ayaa sida Warbixinta lagu sheegay waxaa loo aaneeynayaa carruurta Soomaaliyeed oo aanay helin waxyaabihii aas-aasiga ay u baahnaayeen.

Warbixinta ayaa sidoo kale waxaa shaaca lagaga qaaday in hoos u dhaca haatan laga dareemayo Nafaq-darada carruurta Soomaaliyeed ay tahay mid mar waliba marka ka sii danbeysa hoos u sii dhaceysa,iyadoo inta badan hay'adaha arimahaasi quseysa ay ku dadaalayaan sidoo ay ula tacaamuli lahaayeen.

Hay'ada Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo beeraha ayaa warbixinta ku soo gabagabeeysay in la sii wado sidii gabi ahaanba loo weyn lahaa xaalada Nafaqa-darada inta badan ku timaada carruurta iyo haweenka uurka leh iyo sidii arimahaasi la iskaga kaashan lahaa.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA