Safaarada Soomaaliya ee dalka Koonfura Afrika ayaa sheegtay inaysan jiri doonin hanti ay leeyihiin shacabka Soomaliyeed oo dib dambe dhac loogu geesto.
Isaga oo ka hadlaye safiirka Soomaaliya ee dalka South Afrika kulan ballaaran oo uu la yeeshay qaar kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa wuxuu sheegay in iminka laga bilaabo aan la maqli doonin dhac loo geestay Soomaalida ganacsatada ah ee kunool South Afrika.
Safiirka Soomaaliya ee dalka koonfur Afrika Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi ayaa sheegay in ilaa si wanaagsan looga xaqiijiyo ammaanka Soomaalida kunool South Afrika iyo ganacsigooda intaba aysan nasan doonin masuuliyiinta Safaarada.
“Ma dhici doonto hanti qof Soomaali ah uu leeyahay in la dhaco oo hadana la iska aamuso oo aan laga daba tagin”Sidaasi waxaa yiri Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi
Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay inay soo celinayaan sharaftii Soomaali ay laheyd islamarkaana kooxaha caadeesta dhaca shacabka Soomaaliyeed aan looga hari doonin.
Dalka South Afrika ayaa waxaa dhibaatooyin kala duwan loogu geesta Soomaalida kunool dalkaasi iyadoo dhac iyo sidoo kale dilal qorsheysan loo geesto ganacsatada Soomaalida ee dalkaasi ku nool.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com