Saturday February 02, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Isagoo wareysi siinayay AFP xoghayaha difaaca Mareykanka Leon Panetta,ayaa wuxuu sheegay in Mareykanka uu doonayo inuu sii wado dagaalka uu kula jira Kooxaha Al-Qaa'ida gaar ahaan kooxaha xariirka la leh ee ka dagaalama dalka Soomaaliya iyo Yemen.


Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mr Panetta ayaa hoosta ka xariiqay inay wadaan qorshe ay ku cusbooneysiinayaan Diyaaradaha dagaalka ee aan cidi kaxeynin in duqeymo sharcidaro ah ay ka geystaan dalalka Soomaaliya iyo Yemen ay ku tuhmayaan sida uu sheegay rag ay doonayaan.

"Waxaan u maleynayaa inay ku xiran tahay hadba sidaan ula dhaqano ragaan Argagixisada ah,waxaan ku jirnaa dagaal Argagixiso,dagaalkana waxaan ku soo jirnay tan iyo 11,septembar 2002-dii."

Xoghayaha difaaca Mareykanka Leon Panneta,ayaa isagoo wareysigiisa uu siinayay wakaalada waraka ee AFP ,waxuu dhanka kale tilmaamay in ujeedada dhabta ah ee ka danbeeysa dagaalka ay kula jiraan Al-Qaa'ida ku tilmaamay aargudashada weeraro ka dhacay dalka Mareykanka oo dad shacab ah lagu laayay sida Baneti uu sheegay.

Sidoo kale Baneti ayaa hoosta ka xariiqay in haatan qorshaha Mareykanka uu yahay sidii loo cusbooneysin lahaa Duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka geysanayaan Soomaaliya,iyagoo ka duulaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo rag ajaaniib ah oo sida ay sheegeen ka barbar dagaalama.

Hadalkaan Mareykanka ka soo baxay ayaa ku soo aadaya iyadoo dowlada Mareykanka wadamo badan ay ka wado dagaal dhanka cirka ah oo shacab badan ay ka cabaadeen.

Arintan waxay u muuqataa mid kor u sii qaadeysa dhibaato soo gaarta dadka shacabka ah,maadama inta badan dhibaato ay ka soo gaarto duqeynta diyaaradeed dadka shacabka ah.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA