Saturday February 02, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ugu yaraan Labo ka tirsan ciidamada Libnaan iyo ruux ka tirsan Kooxihii hubeysnaa ayaa ku dhintay isku dhac ku dhexmaray Kooxo Hubeysa iyo ciidamada Libnaan magaalo ku taalo xaduuda Siiriya iyo Lebnon.


Ciidamo hubeysan ayaa soo weeraray Xaafada Arsal,kuwaasi oo ugaarsanayay rag badan oo ka tirsan Argagixiso,sidaasi waxaa lagu sheegay hadalka soo baxay Saraakiisha ciidamada Libnaan

Sidoo kale hadalkaan ka soo baxay Lebnon ayaa lagu sheegay in Sarkaal ka tirsan ciidamada la dilay halka kuwo kale oo badan dhaawacyo ka soo gaareen.isku dhacyada dhexmaray kooxaha hubeysan iyo ciidamada Libnan.

Wariye ku sugan Goobta uu weerarka ka dhacayay ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay inuu indhihiisa ku arkayay gawaarida ambulances oo dhaawacyada ka qaadayay Xaafad uu weerarka ka dhacay ee Arsal kuwaasi geynayay dhaawacyada cisbitaal si caaladooda caafimaad loola tacaalo.

Saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka ayaa sheegay in Tirada dhimashada ay sii kordheyso oo ka mid ah labada dhinac ee dirirta u dhaxeysay.

isku dhacyada u dhaxeeyay Kooxaha hubeysan ayaa ka danbeeyay ka dib markii ciidamada ay galeen Tuulada lagu dagaalamay,iyagoo markaasi doonayay inay soo xiraan nin wantid ahaa oo ka tirsanaa Kooxaha argagixiso ah,balse Kooxo Hubeysan ayaa arintaasi ka dhiidhiyay oo meesha isku hor imaand ayaa ka dhashay.




 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA