Iyadoo shalay kooxo hubaysan Magaalada Boosaaso ay ku toogteen Suldaan Muuse Faarax Muuse oo kamid ah Suldaanada caanka ka ah Magaalada Boosaaso ayaa dilkiisa waxaa ka hadlay Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Faroole.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Faroole ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ay ku raadjoogaan cidii ka dambeysay dilka loo geestay Suldaanka.
Faroole ayaa sheegay in dilka Nabadoonka ay ka dambeeyeen sida uu sheegay kooxo Nabaddiid ah oo aan dooneyn ammaanka Puntland balse ay ka hortagayaan.
Ilaa iminka si toos ah looma garanayo cida ka dambeysa allaha unaxariistee dilka Suldaan Muuse Faarax Muuse oo kooxo hubaysan shalay ay ku dileen bartamaha Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com