Maamulka Degmada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose ayaa ka hadlay ammaanka Magaaladaasi xilli dhawaan uu booqday Degmadaasi Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo qaar ka tirsan Golaha wasiirada.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee Degmada Marka ahna ku simaha Guddoomiyaha Degmada C/laahi Muuse oo warbaahinta kula hadlay Marka ayaa sheegay in ammaanka Magaalada uu yahay mid wanaagsan islamarkaana aysan jirin dhibaatooyin ka taagan xilligan.
C/laahi Muuse ayaa sheegay in xilliyada qaarkood ay dhacaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka balse iminka Degmada ay joogaan ciidamo Booliis ah oo ka howlgala Degmada.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee Degmada Marka ahna ku simaha Guddoomiyaha Degmada ayaa sheegay in ciidamada Booliiska ee dhawaan la geeyay magaaladaasi ay sameeyaan howlgalo roondooyin ah oo ay ammaanka ku xaqiijiyaan.
Dhawaan ayeey aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa ay booqasho ku tageen Degmada Marka tan iyo markii Shabaab Degmadaasi laga saaray.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com