Xulka Kubada Cagta ee Mali ayaa guul taariiqi waxaa ay ka gaartay Xulka South Africa kadib markii ay ku badiyeen Rigoorooyin loo dhigay labada dhinac.
90 kii daqiiqo ee Ciyaarta ayaa waxaa ay ku dhamaatay 1-1 goolkana
waxaa ku horeeyay Xulka South Africa oo ciyaaraha Marti gelinayo
daqiiqadii31 aad Tokelo Rantie ayaa dhaliyay.
Kabtanka Xulka Mali Seydou Keita ahaana Xidigii hore ee Barcelona ayaa goolka Madaxa ugu bareeyay daqiiqadii 58 aad.
Intaa kadib waxaa lagu daray Waqti dheeri oo ah 30 daqiiqo si loo kala saaro labada Xul hadana waa leysku mari waayay.
Ugu dambeyna Rigoorooyin la dhigay waxaa ku badiyay Mali 3-1 .
Sadax Xidig oo South Africa ayaa rigoorada qasaariyay halka Sadax Mali ay dhaliyeen.
Taageerayaasha iyo Xidigaha South Africa ayaa iyagana wada baroortay oo ilinta ay ka qubatay.