kooxda Real Madrid ayaa markale looga adkaaday horyaalka La Liga,waxaana guuldaradaas Real Madrid u horseeday ciyaaryahanka ay ku dhaarato ee Cristiano Ronaldo.
Kooxda Granada oo garoonkeeda Real Madrid ku soo dhaweynaysay Real
Madrid ayaa waxaa saaciday Ciyaaryahanka reer Portugal ee Cristiano
Ronaldo oo daqiiqadii 22 aad iska dhaliyay goolka iska dhaliska ah oo uu
daba mariyay goolka kooxdiisa.
Wiilasha Mourinho ayaa isku dayay inay goolkaas bar bareeyaan oo
ceebta la asturo laakiin Ronaldo goolkiisii ayay ku dhamaatay ciyaarta
oo Real madrid 1-0 ayaa looga adkaaday.
Goolka Ronaldo uu ka dhaliyay Real Madrid ayaa ka dhigan goolkiisii
ugu horeeyay ee uu iska dhaliyo iyo sidoo kale waxaa uu ahaa
weeraryahankii ugu horeeyay ee La Liga Tan iyo sanadkii 1998-99 gool
iska dhaliya.
Barcelona ayaa hadii ay badiso waxaa ay Real Madrid kasara mari
doontaa 18 dhibcood mana ahan wax u fiican kooxda Jose Mourinho,xaalkana
waa ku xunyahay.