Sunday February 03, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Qaar kamid ah ganacsatada ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay hadalkii kasoo yeeray Golaha wasiirada Soomaaliya oo shalay kulan ku yeeshay Muqdisho arimaha sarifka hoos udhacoodana ka hadlay.


Mid kamid ah ganacsatada oo lagu magacaabo Cali Ciise oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in hadii Xukuumadda Soomaaliya ay wax ka qabanayso hoos udhaca sarifka ay tahay arin lagu farxo.

Sidoo kale ganacsadahan ayaa wuxuu sheegay in sarifka qiimahiisa uu maanta marayo 1820-halka shalay uu ahaa 1840 islamarkaana maanta ay ka dhacday 20-shilin welina uu isbedbedalayo.

Qiimaha sarifka suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe wuxuu ahaa mid ay ka taagan tahay jahwareer maadaama sarifka uu yahay mid isbedbedalayo.

Dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho ayaa waxa aad uga dhiidhiyeen qiimaha sarifka suuqyada Magaalada Muqdisho oo muddooyinkaan uu ahaa mid isbedbedlayo.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA