Sunday February 03, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Xukuumada dalka Turkiga ayaa xabsiga dhigtay seddex Qof oo lala xariirinayo Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ia dhacay agagaarka safaarada Mareynkanka uu ku leeyahay dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Ankar ee dalkaasi.

Dadkaan loo xiray weerarkii Ankara ayaa laga soo kala qabtay magaalada Ankara iyo Istanbul.

Sida ay ku waramayaan warbaahinta Gudaha ee Turikiga,labo ka mid ah eedeeysanayaasha ayaa laga soo qabtay Magaalada Ankara,halka Mid mid ah ragaan lala xariirinayo inay ku lug lahaayeen Qaraxii Maalintii Jimcada ahay ka dhacay dalka Turkiga,goob aan sidaasi ugu fogeyn safaarada Mareynkanka uu ku leeyahay dalkaasi la dhigay xabsiga Stanbul.

Ciidamada Boliiska Turkiga ayaa shaqsiyaadkaan gacanta ku dhigay,iyadoio dowlada Mareynikanka si weyn ay u canbaareysay Qaraxii lagu weeraray safaaradeeda ay ku leedahaya Turkiga.

Hayeeshee Mareynkanka ma jiro cid si gaar ah ugu eedeeyay balse waxuu ku tilmaamay inuu ahaa weerar argagixiso oo aan geed loogu soo ganbanin.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA