Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo iminka ku sugan dalka Ingiriiska ayaa wuxuu hadal ujeediyay Soomaalida ku nool dalkaasi oo uu kala hadlay sidii Soomaaliya dib udhiskiisa ay kaga qeyb qaadan lahaayeen.
Xasan Sheekh Maxamuud oo kahor hadlaye Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska ayaa wuxuu sheegay in Soomaalida kunool dalkaasi looga baahan yahay inaysan ilaawin dalkooda marwalibana ay muujiyaan danaha Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay Soomaali dhisi karto islamarkaana jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska looga fadhiyo ka qeyb qaadashada dib udhiska dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmahan socdaalo ku maraye dalal ka tirsan caalamka ayaa wuxuu baaq isdaba joog ah ujeedinaye Soomaalida kunool caalamka si ay uga qeybqaataan dib udhiska dalka Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa iminka waxaa ka muuqanaya dib udhis ballaaran oo ay sameynayaan qaar kamid ah ganacsatada Magaalada Muqdisho iyo qurbo joog dalka dib ugu soo noqdaan oo maalgashi sameynaya.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com