Wednesday February 20, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ra’iisul wasaariha Tunisia Xamadi Jebaali ayaa is casilay ka dib markii uu ku guul dareestay inuu soo dhiso dowlad cusub oo dalka ay yeelato kadib markii dhawaan uu ku dhawaaqay inuu soo dhisayo.

Mr Jebali ayaa isku dayay inuu soo dhiso isbahaysi cusub kaasi oo wax ka qabanaya isbedelka siyaasadeed ee ka dhashay dalkaasi waxii ka dambeeyay markii la dilay hogaamiyihii mucaaradka Shukri Bilciid.

Wuxuu horay u sheegay inuu shaqada ka tagayo haddi xibigiisa islaamiga ee Ennahda aysan ka laaban qorshahiisa dhisitaanka golahiis awasiirada ee cusub.

Shirqoolkii lagu dilay Shukri Bilciid bishaan 6 deedii ayaa horseedaty banaanbax xoogan oo ka dhaca caasimada Tuunis iyo iscasilaada dowlada isbahaysiga ee dalkaasi.

“Waxaan wacad ku marayaa haddii bilowdeyga uusan guuleysan ,inaan iscasilay waana sameeyay taasi”Mr Jebali ayaa sidaasi ka sheegay shir jaraa’id uuqabtay kadib markii uu la kulmay madaxweynaha dalkaasi Mansif Marzuuqi.

Qeexitaankiisa ku aadan ka dagida xilka ayaa waxay u muuqanaysi inuu u istaagay dhameynta ama fulinta balanqaadyadii uu u sameeyay shacabka ku dhaqan Tunisia.

“Dadkeena waxay ku dhalaneedeen xaalka siyaaasada ,waxaa waajib nagu ah inaan dib usoo celino kalsoonidii”ayuu ku qeyliyay ra’iisul wasaaraha iscasilaada ku dhaqaaqay.

Wuxuu intaasi ku daray “ Fashilka dhalanteedkeyga lama micno ahaa fashil ku yimid Tunisia ama fashil ku yimid kacaanka”.

Waxay aheyd markii ugu horeysay oo siyaasi lagu shirqoole dalka Tunisia waxii ka dambeeyay sanadkii 2011 markaasi oo dalka ay ka bilowdeen mucaaradida dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Zine al-Abidine Ben Ali

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA