Thursday February 21, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Dowlada Ruushka iyo jaamacada ayaa sheegay inay doonayaan inay dalaal ka noqdaan wadahadalada tooska ah ee u dhaxeeya dowlada Syria iyo kooxaha mucaraadka ee dowlada ka horjeeda ,si xal buuxa looga gaaro dhameyta dagaalada sokeeye ee dalka ka taagan.


Sergei Lavrov,wasiirka arimaha dibada dalka Ruusha ayaa sheegay in dowladiisa ay qaadeyso wado aan dhinac looga leexanaynin oo lagu wadahadal siinayo dhinacyada ku dagaalamaya Syria.

Hadalka ayaa kusoo aadaya iyadoo isbahaysiga mucaaradka qaranka Syria la doonayo in kulan labo maalin ah ay ku tagaan dalka Masar,si looga doodao wadada ugu macquulsan oo xal lagu keeni karo.

70,000 oo ruux ayaa ku dhintay dalka Syria waxii ka dambeeyay bishii Marso sanadkii 2011 dagaalada ka bilowday oo looga soo horjeedo madaxweynaha talada haya ee Bishar Al Assad.

Wasiirka arimaha dibada Ruushka ayaa sheegay inay doonayaan inay bilaabaan dhexdhexaadinta tooska ah ee u dhaxeysa labada dhinac ee ku dagaalamaya dalka Syria.

Isaga oo ku hadlay magaalada Moscow halkaasi oo ay ku kulmeen wasiiro arimaha dibada wadamo dalalka Carabta ka tirsan iyo masuuliyiin Ruusha ka tirsan ayuu sheegay wadada kaliya ee lagu dhameyn karo qilaafka Syria iyadoo aysan daadan dhiig kale ay tahay wadahadal toos ah oo dhexmara mucaaradka iyo dowlada.

Mr Lavrov iyo xoghayaha guud ee Jaamacada carab Nabil Al Carabi ayaa sheegay in muhiimadooda koowaad ay tahay inay abuuraan dowlada KMG ah taasi oo horseeda ka bixiyaan qalalaasaha.

Diblumaasiyiinta ayaa aaminsan in labada dhinac ay walli ku fakarayaan inay ku guuleystaan dagaalka,islamarkaana aysan xaqiiq ahaan dooneynin inay wadahadal midba midka kale uu la galo si loo helo hal buuxa.

Dalka Syria walli waxaa ka socda dagaalada iyo duqeymaha ,maalintii shalay labo duqeyn oo ku dhacday xero ciyaaro oo ku taala bartamaha Dimishiq ayaa sababtay geerida Ciyaar yahan iyo dhaawaca inka badan seddex ruux oo ciyaar yahano ahaa.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA