Thursday February 21, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Dowlada Faransa ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan waqooyiga dalka Cameroon inay isaga soo baxaan dalkaasi sida ugu dhaqsiyada badan ,kadib markii maalintii talaadada muwaadiniin Faransiis ah lagu afduubtay dalkaasi.


Wasaarada arimaha dibada ayaa soo saartay warqoraal ah oo loogu baaqay muwaadiniin Faransa inay ka baxaan dalka Cameron ,iyadoo la sheegay in laga baqayo in dad kale lagu afduubto.

Madaxweynaha dalka Faransa Francois Hollande ayaa sheegay in dad looga shakisan yahay kooxa ka dhisan Nigeria ay ka dambeeyay afduubkii ka dhacay dalka Cameroon.

Wuxuu intaaasi ku daray in 7 dalxiisayaal oo ay ku jiraan afar caruur ah oo u dhashay dalka faransa laga afduubtay waqooyiga dalka Nigeria halkasi oo ay ku badan yihiin kooxda Boko Haram.

Qoraal kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Faransiiska laguna daabacay website-keeda ayaa waxaa lagu yiri “Masuuliyiinta waxay ku wargelinayaan in muwaadiniinta aysan aadin meel foog oo waqooyiga Cameroon ah iyo xuduuda Nigeria,ilaa faahfaahin kale laga soo saarayo,waana inay kasoo baxaan waqooyiga Cameroon”

Madaxweynaha Faransa ayaa sheegay in kooxda Boko Haram lagu tuhmayo Afduubkii loo geystay muwaadiniinta faransiiska ah,mana jiro ilaa iyo iminka wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxa Boko Haram.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA