Thursday February 21, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Qaadiga maxkamada Mzuzu ee dalka Malawi ayaa ku ganaaxay muhaajiriin sharcidaro ku galay dalka Malawi kuwaasi oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalalka Soomaaliya iyo Tanzania lacag gaareyso 25,000 oo lacagta dalkaasi ah.

Sidoo kale waxaa haddii ay bixin waayaan dhaqalaahaasi la sheegay inay xirnaan doonaan muddo saddex bilood ah iyaga oo ku jiri doono xabsi gaar ah.

Booliska dalkaasi ee ku sugan waqooyiga caasimada Mzuzu ayaa la sheegay inay gacanta kusoo dhigeen muhaajiriintaan Soomaali ah kuwaasi oo la sheegay inay doonayeen inay gudaha u galaan dalka Malawi.

Madaxa xafiiska xiriirka caalamiga ee saldhiga caasimada Malawi, Chapola ayaa wuxuu u sheegay wargeyska Nyasa Times ee kasoo baxa dalkaasi iyo lacagta ganaaxa ee la duldhigay muhaajiriinta Soomaalida ay bilow u tahay calaamadeynta ololaha ka dhanka ah soo galootiga sharci darada ah ee dalkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ilaalada ammaanka ee duleedka caasimada Mzuzu ayaa sheegay in dadka sida sharci darada u galaya dalkaasi ay qeyb ka yihiin waxyaabaha horseedi kara amni darada dalkaasi.

Dhanka kale dadka muhaajiriinta ah ee lagu qabtay dalkaasi Malawi ayaa la sheegay inay ku jiraan dad Ethiopian kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka qeyb qaateen xaalufinta dhirta.

Lama kala cadeyn tirada rasmiga ah ee Soomaalida kuwaasi oo lagu xukumay dalkaasi.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA