Friday February 22, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ciidamada Faransiiska iyo kuwa Mali ayaa waxay bilaabeen inay dagaalyahanada Mali kula dagaalamaan wadooyinka Magaalooyinka Qaar sida Gao iyo Kidal oo mudooyinkii ugu danbeeyay ay ka jireen xaalado amaan daro, kuwaasi oo salka ku haya weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay soo qaadayaan Ciidamada Mucaardka ee ka soo hirjeeda dowlada iyo Joogitaanka Faransiiska. Qaraxyo iyo weerar kale oo toos ah ayaa lagu qaadayay Fariisimaha Mas'uuliyiinta dowlada, ciidamada Faransiiska iyo kuwa Mali goobaha ay ku sugan yihiin.

Wariyaasha wakaalada wararka Reuters ee Magaalada Gao ku sugan ayaa ku soo waramaya in dhulka saxaraha ah ee waqooyiga ku yaala ay ka soo dagaal tagaan dagaalyahnada, iyagoo Markaasi bartilmaameedsanaya Fariisimaha dowlada iyo ciidamada Huwanta ah, halkaasina waxaa ka dhasha dagaal fool ka foolka ah.

Ciidamada Mucaaradka ayaa weeraro Bamb ah waxay ku qaadeen Magaalooyinka Gao iyo Kidal oo waqooyiga Mali ku yaala halkaasi oo fariisimo muhiim ah ay ku leeyihiin Ciidamada Huwan ee isgarabnsanaya.

Wasiirka difaaca dalka Faransa Jean-Yves Le Drian, ayaa Magaalada Brussels ka sheegay Magaalada Gao ay imika caadi ku soo laabaneyso Marka laga soo tago weeraro yaryar oo xiliyada maalinta ah mararka qaar ka dhaca.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA