Saturday February 23, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Iyadoo shalay Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose la geeyay ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa maamulka Degmada Wanlaweyn wuxuu sheegay inaysan ku filneyn ciidanka halkaasi la geeyay.


Guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn Xaaji Isxaaq oo la hadlay Risaala ayaa wuxuu sheegay in ciidanka la geeyay Degmada Wanlaweyn aysan dabooli karin baahida dhanka ammaanka ee ka taagan Degmadaasi.

Wuxuu sheegay in masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ay ciidan gaaraya 70-askari oo Booliis ah geeyeen Wanlaweyn taasi oo uu ku tilmaamay inay aad uyar yihiin.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidankaasi ay ku howlgalaan kaliya hal gaari oo midka booliiska ah.

Degmada Wanlaweyn oo ay ku sugan yihiin ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaan in muddo ah la geyn ciidan booliis oo ka shaqeeya ammaanka gudaha Magaalada.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA