Saraakiil ka tirsan dowlada Chad oo ciidamo ay kaga sugan yihiin dalka Mali., ayaa sheegay 13 kamid ah ciidamada Chad ee dalka Mali iyo 65 ka mid ah ciidamada mucaaradka ay dhinteen, ka dib markii dagaal culus uu ka dhacay waqooyiga dalka Mali.
Dagaal xoogan ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay buuraha gobolka Ifoghas, halkaasi oo la aaminsan yahay inay isku qarinayaan kooxihii ka dhisnaa dalka Mali.
Bishii lasoo dhaafay ciidamo ay hogaamnayaan kuwa Faransiiska ayaa waxay qabsadeen deegaano badan oo ciidamada mucaraadka gacanta ugu jiray.
Warqoraal ah oo maqribnimadii xalay ay soo saareen saraakiisha ciidamada Chad, ayaa lagu sheegay inay burburiyeen shan gaadiidka dagaalka ah ayna dileen 65 kamid ah kooxaha dowlada ka horjeeda.
Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ku dhawaad 15 askari oo Chad udhashay ay ku dhinteen dagaalka, islamarkaana ay ku dhaawacmeen shan kale oo dagaalka ka qeyb qaadanayay.
Dagaalka u dhaxeeya kooxaha muqaawamada dalkaasi iyo ciidamada Mali ayaa soo laba kacleeyay, waxaana sidoo kale mararka qaar isku dhacyo ay ka dhacaan magaalada Gao.
Horaantii bishaan 1800 oo askar ah oo u dhashay dalka Chad ayaa loo daabulay dalka Mali ,gar ahaan magaalada Kaydal.
Chad ayaa balan qaaday in ku dhawaad 2000 oo askari ay udiri doonto dalka Mali ,si ay qeyb kaga noqdaan howlgalka ciidamada wadamada Africa ay hogaaminayay.
Maalintii khamiista ciidamada isbahaysanaya ayaa sheegay inay dib u qabsadeen magaalo muhiim ah oo maalin ka hor ay la wareegeen ciidamada mucaraaradka.
Dhanka kale dowlada Faransa ayaa sheegtay inay qorsheynayso in ciidameeda kala baxda dalka Malin bisha soo socoto si ciidamada wadamada Galbeedka Africa ay ula wareegaan howlgalka dalkaasi.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com