Saturday July 07, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Kooxo hubeysan ayaa Maqribnimadii Caawa waxa ay dhaawac ugu geysteen degmada wadajir ee gobolka Banaadir Wariye Cabduqaadir Cumar Cabdulle (Kuwaaral).

Labo ruux oo ku hubeysan Baskoolado ayaa la sheegay inay ku weerareen Wariyaha Xaafadda Korontada ee Degmada Wadajir oo ah degmada ugu babadan ee lagu bartimaameedsado Wariyeyaasha.

Xilliga la weerarayey ayaa C/qaadir waxa uu ka soo rawaxay shaqdiisa waxaana uu ku sugnaa iridka hore ee gurigiisa sida uu Idaacadda Risaala u xaqiijiyey Wariye Maxamed Maxamuud Tima cade oo ay iska howlgalaan TV-ga Universal.

Wuxuu sheegay Wariye Tima cadde in kooxahaasi ay ku dhufteen Wariye Kuwaaral ilaa 4 xabadood, kuwaas oo kaga dhacay meelo kala duwan.

Timacade waxa uu sheegay in raggaasi ay wariyaha kaga daba galeen howgiisa oo uu ku cararay.

Dhaawiciisa ayaa loo qaaday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho halkaas oo lagula tacaalayo xaaladiisa Caafimaad.

Kooxihii falkaasi geystay ayaa goobta isga baxsaday, iyadoo aysan jirin cid isku dayday inay dabagal ku sameeyaan.

Arrintan ayaa waxa ay qeyb ka noqoneysaa tacadiyada loo geysanayo Suxufiyiinta ka howlgala Magaalada Muqdisho.



 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA