Tuesday September 04, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Kulan ka dhacay maanta Deegaanka Kaxda ee duleedka Degmada Dharkeynleey islamarkaana ay goob joog u ahaayeen maamulka Dowlada ee deegaankaasi,Odayaasha dhaqanka,haweenka iyo qaar kamid ah wadayaasha gaadiidka Biel-ka ayaa waxa diirada lagu saaray cabasho maalmihii udambeeyay kasoo baxeysay dadka ku dhaqan deegaanadaasi.

Kulanka oo saxaafada goob joog u ahayn ayaa waxa lagu falan qeeyay rag ku labisan dareeska ciidamada Dawlada oo dhac iyo boob ugeysta rakaabka saaran gawaarida Biel-ka ah ee iskaga kala gooshta inta udhaxeysa Kaxda ilaa KM 13 ee duleedka Muqdisho.

C/wali Yuusuf Cumar oo ah Guddoomiyaha Maamulka Kaxda ee Dawlada oo lahadlay kulankooda kadib Idaacada Risaala ayaa sheegay inay ka wada hadleen dadka ku dhaqan deegaanka iyo Gaadiidleyda qaar wadayaashooda sidii wax looga qaban lahaa dhac ay wadaan ciidamo ku labisan dareeska Dawlada,.

C/wali Yuusuf waxa uu sheegay inay garwaaqsadeen cabashada dadweynaha uga timid islamarkaana ay wax ka qaban doonaan iyagoo kaashanaya Hay’adaha ammaanka Dawlada sida uu yiri.

Guddoomiyaha maamulka Kaxda C/wali Yuusuf Cumar ayaa cod dheer ku sheegay inay qorsheynayaan sidii xarun ciidan uga furi lahaayeen inta udhaxeysa Ex Control Afgooye ilaa Km 13 ciidamana ay geyn doonaan kuwaasi oo ammaanka rakaabka halkaasi isticmaala uxaqiijin lahaayeen sida uu hadalka u dhigay.

Deegaanka Kaxda oo ka mid ah meelaha ugu badan ee ay ku sugan yihiin barakacayaasha Muqdisho ku sugan ayaa hadana mararka qaarkood waxaa jira dhac iyo boob ay geystaan ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin Dawlada,waxaana taasi dheer in ciidamada ay wadada ugalaan gaadiidka Biel-ka ah ee dadweynuhu raacaan kadibna ka qaataan dadka agabka ay wataan sida dhowr jeer ka dhacday deegaanadaasi.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA