Sunday December 02, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Qaraxyo mataano ah oo isxigxigay ayaa lagu soo waramaya in ay ka dhaceen dalka ciraaq gaar ahaa magaalada Caasimada ee Baghdad.
inta la ogyahay hal askari oo ciraaqi ah ayaa ku dhinta qaraxyada isxigxigay shan kalena waa ay ku dhaawac,iyadoo dadkii dhaawaca ahaa loola cararay goobaha caafimaadka si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

Sarkaal ka tirsan Poliiska dalka ciraaq oo magaciisa ka gaabsaday sababo amaanka laxariira ayaa waxa uu sheegay in qaraxa uu ahaa mid culus islamarkaana lala bartilmaameedsaday gaari ay saarnaayeen ciidamada dalka ciraaq kaasi oo marayay xilligii weerarka Bambaanada ah lagu qaadayay Magaalada Arab Jubur ee dalka ciraaq.

Waxa uuna Sarkaalkaan uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay jiraan sarkaalo ku dhintay qaraxyada balse ma carabaabin tirada iyo magacyada saraakiisha ku dhintay qaraxyada mataanaha ee ka dhacay dalka ciraaq gaar ahaan Magaalada caasimada ee Baqdad.

Sidoo kal qasaaraha ka dhashay qaraxyada waxaa ka mid ahaa burbur soo gaaray gaarigii lala bartilmamedsaday,

inta badan waxaa dalka ciraaq ka jira qaraxyadaiyo weeraradalagu qaado ciidamada dalka ciraaq iyo saraakiishooda.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA