Monday December 03, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Kooxda Mucaaradka ee dalka Nigeria Booko Haaram ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerar ka dhacay gobolka Borno ee waqooyi Bari dalka Nigeria.


Ku dhawaad 10 ruux oo Karishtaan ah ayaa kudhintay weerarka oo ka dhacay Waqooyi Bari Nigeria,kaasi oo ka dhacay goob kaniisad ah oo ku taala halkaasi.

Ruux ku hubaysan qori ayaa weerarkaan ka geystay goob ay ku sugan ciidamada Dalka Nigeria una dhow kaniisad ku taalka xadka Dalka Nigeria uu la wadaago Dalka Camiroon.

Ilaa iyo hadda si cad looma hayo dadka ka dambeeyay weerarkaan,laakiin masuul dhanka amaanka qaabilsan ayaa waxay sheegeen inay ku tuhmayaan weerarka inay ka dambeeyaan kooxda Boko Haram.

Nuhu Clark,oo ah duqii hore ee xaafada weerarka uu ka dhacay kana baxsaday weerar habeenkii sabtida ka dhacay Borno ayaa sheegay in shakiga kooxda Boko Haram uu yimid markii xilii habeen ah dad rayid ah lagu weeraray guryahooda islamarkaana la dilay qaarkood.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Boko Hara moo ay kaga hadlayaan eedeyntaan loo jeediyay ee ku aadan inay ka dambeeyeen weerarka ka dhaca waqooyi bari dalka Nigeria.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA