Monday December 03, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Kooxo hubaysan ayaa weerar ku qaaday Kaam ay degen yihiin dad ka barakacay magaalada Goma kaasi oo ku yaala bariga dalka Demuqraadiga ee Kongo ,kuwaasi oo kufsi iyo bililiqo ka geystay kaamkaasi oo ay degen yihiin kumanaan dadweyne reer Kongo ah sida ay sheegeen saraakiil u hadashay Qaramada Midoobay.


Simplice kpandji, oo ah afhayeen u hadlay hayada Qaxootiga Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in ilaa iyo iminka aysan cadeyn tirade dadka ku waxyeeloobay kaamkaasi oo 10 Kiilomitir u jira magaalada ku taala xuduuda ee Gooma.

Kaamka weerarka ka dhacay oo lagu magacaabo Mugunga Three ayaa waxaa ku sugan ku dhawaad 30 kun oo ruux ,kuwaasi oo kasoo cararay qaarkood magaalada Gooma,sida uu sheegay afhayeenka u hadlay Qaramada Midoobay,waxaana uu sheegay in ilaa iyo hadda aan la ogeyn dadka weerarka geystay.

Weerarkaan ayaa yimid iyadoo kormeeyaal ka tirsan Qaramada Midoobay ay sheegeen in ciidamada Mucaaradka ay isaga baxeen magaalada Gooma halkaasi oo ay kala wareegeen ciidamada Dowlada Kongo.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA