Tuesday December 04, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Inka badan 40 kun oo dad ah ayaa halis galay ka dib markii duufaanta Bopha ay ku dhifatay koofurta Dalka Filipiin.


Gobolka Duufaanta ay ka dhacday oo ku yaala xeebaha koofureed ee dalka Filipiin ayaa la sheegayaa inay sababtay in kumanaan dad ay isaga barakacaan halkaasi kuwaasi oo ku guryo belay duufaanta Bopha.

Ma jiro wax qasaaro nafeed ah oo lasoo wariyay laakiin dadka ayaa guryahood ay galeen biyo badan taasi oo sabab in magaalada Mindanao ay isaga barakacaan dadkii degenaa si ay u raadsadaan goobo qalalan sidaasi waxaa yiri wariye ku sugan magaaladaasi.

Dhamaan 41 kun ee ka barakacay duufaanka koofurta Filipiin ayaa waxay u barakaceen guryo ay leedahay dowlada dalkaasi kuwaasi oo ku yaala xeebaaha dalkaasi Filipiin.

Ganacsigii magaalada Cagayan de Oro oo ka mid ah magalooyinka waaweyn ee dalkaasi ayaa hakad galay ka dib markii duufaanta ,fatahaada iyo roobab xoogan ay isku biirsadeen magaaladaasi.

Iskuulada ku yiilay magaalada weyn ee Mindanao ayaagabi ahaan lagu wargeliyay ardayda inay fasax yihiin.

Madaxweynaha dalkaasi Benigno Aquino ayaa sheegay in duufaantaasi ay tahay middii ugu weynayd e ku dhifatada dalkiisa ilaa bilowgii sanadkaan.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA