Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa waxa uu shegay in caqabad uu lakulmi doono madaxweynaha dalka Syria Bishaar Al Asad haddii dowladiisa ay u isticmaasho dagaalada kasocda Syria hubka Kiimikada.
Obama ayaa sheegay in caalamka uu ka socda waxyaabaha ka dhacaya dalka Syria isagoo shegay in gabi ahaanba aan ka aqbali doonin haddii dowlada Syria hubka wax gumaada ay u adeegsado dadka shacabka ah.
“Dunida wey la socotaa waxa ka dhacaya dalka Syria ,isticmaalka Hubka Chimal-ka ma ahan mid gabi ahaanba la aqbali karo”ayuu yiri madaxweyne Brack Obama.
Madaxweyne Obama ayaa isaga oo hadlayay wuxuu sheegay in dowlada Syria ay dhibaatooyin badan ciidamadeeda ka geysteen dalkaasi,loona baahan yahay in la yareeya dhibaatada dadka rayid ah soo gaarta.
Arintaan waxay kusoo begantay,iyadoo afhayeenii wasiirka arimaha dibada uu isaga baxsaday dalkaasi Syria iyadoo aan warar rasmi ah laga heyn halka uu aaday,waxaana soo baxaya inuu u baxsaday dalka Ingiriiska.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com