Tuesday December 04, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa maanta waxaa gaaray wafdi ka socda Dowlado kamid ah caalamka.

Ilaa 9 Xubnood ayey ka koobnaayeen wafdiga waxaana hogaaminayey Tomas Konesfel oo ah qunsulka Dawlada Denmark ujooga Waddanka Kenya waxaana laga wada hadlay arimo badan.

Masuuliyiinta maanta gaaray Magaalada Garoowe ee maamul Gobaleedka Puntland ayaa waxa ay ka kala socdaan Belgium-ka,Holland,Australia,Swizarland,Ingiriiska,Mareykanka iyo Sweden iyadoo uu garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.

Wafdiga ayaa waxa ay kulan la qaateen Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Guuleed waxa ayna kala hadleen arimo dhowr ah.

Markii uu soo dhamaaday kulanka kadib ayaa waxaa saxaafada la hadlay Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland oo sheegay in arimaha ugu muhiimsan ee laga hadlay ay kamid yihiin arimaha xuquuqul insaanka xoriyada saxaafada iyo arimo kale.

Tomas konesfel oo ah qunsulka Dawlada Denmark ujooga Kenya ayaa waxa uu sheegay inay isku afgarteen bad-baadinta shacabka iyo ka fogaanta xadgudubyada ka baxsan bini’aadanimada.

Wafdiga gaaray maanta Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdeen Midowga Yurub.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA