Tuesday December 04, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Taliyaha ciidamada AMSIOM Jeneraal Andrew Gutti ayaa sheegay inuu qaadi doono tallaabooyin adag oo lagu xaqiijinayo ammaanka wadada isku xirta magaalada Marka iyo deegaanka KM 50 ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii wadooyinkaasi ay maalmahan dambe ay ku soo badanayeen weerar kadiska ee lala bartilmaameedsanayo Kolonyada inta badan ay saaran yihiin Saraakiisha ciidamada dowlada iyo mas'uuliyiinta dowlada Soomaaliya ee isticmaala wadooyinka deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose.


Taliyaha ciidamada AMISOM Jeneraal Andrew Gutti ayaa war qoraal ah ku sheegay inay AMISOM ay bilaabi doonto sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka wadooyinka guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan wadada isku xirta Magaalada Marka iyo deegaanka Km 50 oo maalmahan ay sii badanayeen falalka amaandari ee ka jira halkaasi,isagoo intaasi ku daray inay AMISOM iyo dowladda federaalka Soomaaliya wadaan dadaallo lagu xaqiijinayo ammaanka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxa uuna intaasi raaciyay Jeneraal Gutti inay wadaan dadaalo haatan ay ku doonayaan inay dhaqdhaqaaq kaga bilaabaan goobaha inta badan ay ka dhacaan weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah ee lagu waxyeeleynayo saraakiisha ciidamada iyo kuwa mas'uuliyiinta dowlada Soomaaliya si markaasi ay u yaraadeen dagaalada ay soo qaadayaan Ururka Al-Shabaab ayuu yiri Jeneraal Gutti.

Wuxuu sheegay in ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM looga baahan yahay inaanay is-dhigan kadib guulihii wax ku oolka ahaa ee Kooxda Al-Shabaab looga saaray magaalooyinkii waa-weynaa ee koonfurta Soomaaliya.

Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay taliyaha ugu sareeya AMISOM ee Soomaaliya Jeneraal Gutti ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayeen Maalmahii u danbeeyay weerarada jidgalka ah oo lagu qaadayay mas'uuliyiinta dowlada Soomaaliya ee booqanayay Gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan magaalada Marka iyadoo maalintii shalay aheyd weerar lagu qaaday inta u dhaxeysa deegaanada Shalanbood iyo Buufow oo ka wada tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Xukuumada Soomaaliya oo booqosho ku gaaray Magaalada Marka.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA